TOP NEWS:- Dacwad si khaldan loogu soo oogay Gudoomiyaha Magaalada Garissa

0

Xeer Ilaalinta Kenya ayaa waxay dacwad ku soo oogtay Gudoomiyaha Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, Nadiif Jaamac kaasoo ay ku soo eedeeyen in wado sharciga ka baxsan uu gaadiidka gurmadka degdegga (Ambulance), kaga soo kireystay Hay’adda Laanqeyrta Cas Kenya.

Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa iyo anshax-darida Kenya iyo Gudoomiyaha oo kulan ku wada yeeshay Magaalada Garissa, ayaa waxay gaba gabadii la hadleen Warbaahinta, waxayna Guddigu sheegeen in mid la soo dhoodhoobay ay tahay dacwadda ka dhanka ah Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo sidoo kale Saxaafadda la hadlay, ayaa wuxuu iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay, isagoona hoosta ka xariiqay in la dulmay bulshada ku dhaqan Magaalada Garissa.

Gudoomiyaha, ayaa ku doodaaya in sifo sharci ah uu gawaaridaasi kaga soo kireeyay Hay’adda Bisha Cas. Gawaaridaasi oo gaaraaya ilaa toddobo xabo, ayaa waxay ka shaqeeyan Deegaanada Garissa, iyagoona lagu caawiyo hooyada iyo dhallaanka iyo dadka kale ee gurmadka caafimaad u baahan.

Hay’adda Bisha Cas Kenya, ayaa waxay walaac ka muujisay tallaabada lagu haysto gawaarida gargaarka degdegga ee Garissa ka kireysay xilli ilaa sideed Dowlad Goboleedyo Kenya ka tirsan, ay ka kireysay gawaaridaasi.

Siyaasiyiinta Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa shaki geliyay in mid la soo dhoodhoobay ay tahay dacwadda xilligan lagu soo oogay Gudoomiyaha, waxayna su’aal ka keeneen waxa Garissa oo qura loo beegsaday, oo aan loo soo hadalqaadin Dowlad Goboleedyada kale ee laga kireeyay gawaaridaasi.

Gudoomiyaha waxaa laba mar oo sii horeysay lagu soo oogay dacwad ha yeeshee wuxuu labadaasi goorba uu ku guuleystay doodda furan ee Maxkamadda, waxayna Maxkamaddu xaqiijisay inaanu wax dembi ah lahayn.

Gudoomiyaha ayaa waxaa si buuxdo u garab taagan bulshada ku dhaqan Magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya, taa oo ka caawin karta in mar 3-aad uu ka badbaado dacwadda lagu soo oogay.