TOP NEWS:- Dastuurka Maamulka Galmudug Oo laga Badal Qodob Muhiim Ah, Muranna Dhaliyay +Ogow.

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay isku raaceen in wax kabadal lagu sameeyo Dastuurka Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa kulan ay isugu yimaadeen wax ka bedel ku sameeyay qodob ka mid ah Dastuurka maamulkaas, kaasoo qeexayay xuduuda maamulkaas inuu yahay Gobolka Nugaal, iyadoo ay horay uga soo horjeesatay Maamulka Puntland.

Gudoonka Baarlamanka Oo Saxaafadda La Hadlayay Ayaa Yiri “Qodobkaas laga doodayay wuxuu ahaa qodobka labaad farqadiisa afaraad oo ku saabsan xuduudka dowlad goboleedka Galmudug inay markii hore ay aheyd Gobolka Nugaa, haatan waxaa lagu bedelay xuduuda inay tahay dhanka waqooyi ee dowladda Puntland”ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Tallaabada wax ka bedelka lagu sameeyay qodobka ay Puntland Ka soo Horjeesatay ayaa loo arkaa mid yareyn karta Doodii Ay horay Oga Qabtay in dhulkeeda lagu soo xadgudubay, waxaana la ogeyn sida ay uga soo dabci karto go’aankeedii ahaa in aysan aqoonsaneyn Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland C/wali Gaas ayaa horay u sheegay in hadii xuduuda Maamulka Galmudug uu yahay Gobolka Nugaal, ay Xuduuda Puntland ay noqoneyso Guriceel iyo Godinlabe.

Dastuurkii Hore ee Ay Ansixiyeen Ergooyinkii La isugu keenay Cadaado ayaa Qeexayay in Xaduuda Maamulka Galmudug Ay tahay Dagmadda Burtinle Ee Gobolka Nugaal, Taasi Oo Ah Dhul Ka Tirsan Puntland.