TOP NEWS:- Dowlada Soomaaliya oo si rasmi ah u beenisay inay ka laabatay dacwaddii ay ka gudbisay Kenya

0

Xukuumadda Federalka Somaliya, ayaa waxay si rasmi ah u beenisay inay ka laabatay dacwaddii ay sanadkii hore ka gudbisay Dowladda Kenya, ka gadaal markii ay ku soo xadgudubta xuduuda badda Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Amina Mohamed, ayaa waxay sheegtay Madaxda Dowladda Federalka Somaliya inay ka haystaan ballanqaad ah, inay joojinayan dacwadda ay u gudbiyen Maxkamadda Cadaaladda Caalamka.

Hadaba War Saxaafadeed laga soo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa waxaa lagu cadeeyay inaanay waxba ka jirin wararka la xiriira, in Dowladda Somaliya ka laabatay dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Caalamka.

War Saxaafadeedka, ayaa sidan u qornaa:

Maalmihii ugu dambeeyay warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Somaliya ay ku heshiiyeen in ay kala gar-qaataan, iyadoo aan la marin Maxkamadda Sare Ee Qaramada Midoobe, taasi oo macnaheedu yahay in labada dal ay ku kala baxaan Maxkamad la’aan.

Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa inay weli ku adkeysaneyso, ayna ka go’an tahay kiiska Sharciga iyo dacwadda ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobe ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).

Maalgelinta caalamiga, barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxa uu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan, waxaanan u taagannahay, kuna adkeysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay.

Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay.