TOP NEWS:- Haweenay lagu dilay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho

0

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir, kooxo hubaysan ayaa halkaasi waxa ay ku dileen haweenay ka mid aheyd dadka deegaanka.

Haweenaydaan ayaa la sheegay inay aheyd ganacsato, waxa ay iibin jirtay Hilibka sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen, waxaana dilkeeda ka dambeeyay afar ruux oo dhalinyaro ah.

Ragga dilka haweenaydaan fuliyay oo ku hubeysnaa Bistoolado, ayaa durba meesha ka baxsaday markii ay dileen haweenaydaan, waxaana ay wateen mooto oo ay ku baxsadeen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta wuxuu u sheegay in dilka kadib ciidamada Ammaanka Degmada ay goobta gaareen ayna soo qabteen afar ruux oo dhalinyaro ah oo looga shakiyay inay dilkaasi wax ka ogaayeen.

Lama garanaayo sababta haweenaydaasi loo beegsaday iyo rasmi ahaan waxa kale ee ay qaban jirtay marka laga soo tago in hilibka ay ka ganacsan jirtay.

Dilalka haweenka ayaa ku badan Degmooyinka Dharkiinleey iyo Wadajir oo dhowr mar oo hore sidaan oo kale haween lagu dilay.

Waxaan la ogeyn kooxaha dilka geystay cida ay ka tirsan yihiin iyo ujeedada haweenaydaasi ay u dileen.