Top News: Maalinta Agoonta Oo Maanta Laga Xusay Magaalada Muqdisho.

0

Xuska maalinta agoonta dunida muslimka oo sanad kasta la qabto 15-ka bisha barakeysan ee Ramadan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Raysul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha Sahra Maxamed Cali iyo danjireyaal ayaa ka qeyb galay munaasabadda oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Iskaashiga Islaamka iyo hay’adda Qatar Charity .

Maxamed Cumar Carte, reysul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii daryeel buuxa ay u heli lahaayeen carruurta agoonta ah.

Waxaa inta badan lagu soo bandhigaa munaasabadaha dhibaatooyinka heysata agoonta iyo sida loo taageeri karo.
Wasiirka haweenka ayaa tilmaantay in dagaalladii ka dhacay dalka uu sababay in carruur badan ay agoon noqdaan, kuwaasoo aanan helin daryeel rasmi ah.

Kun carruur oo agoon ah ayaa munaasabadda lacag loogu qeybiyay, halka qaarkood loo fidiyay daryeel caafimaad.