TOP NEWS:- Madaxweynaha dalka Mareykanka oo Arrin qarsoneyd daaha ka qaaday, kuna baaqay in..

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa markii ugu horeysay qiray dagaalka lagula jiro Kooxda Daacish inuusan aheyn mid sahlan oo waxa uu sheegay inuu qaadanayo dagaalkaasi waqti aad u badan.

Obama, wuxuu tilmaamay in wax ka badan arimo Milateri uu u baahan yahay dagaalka Daacish si guul looga gaadho maadaama Kooxahaan ay siiwadaan dagaalka ka dhanka ah reer Galbeedka iyo beegsiga dadka ay u arkaan inay kasoo horjeedaan arimahooda.

Hadalkaan ayaa wuxuu Obama ka sheegay kadib markii Xarunta Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka uu kulan amniga ku saabsan kula qaatay Guddiga Amniga Qaranka dalkaasi.

Ka taqalusida Kooxda Daacish ayuu tilmaamay Obama inay tahay mid u baahan waqti dheer hayeeshe, in Daacish xidida loo siibo ayuu sheegay inay imin karto ciidamada gudaha oo door muuqata ka qaata gulufka ka dhanka ah Daacish.

Inkastoo xilliyada qaar ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda ay guulo ka gaaraan dagaalka Daacish, hadana Obama wuxuu qiray inay jiri karaan xilliyada qaar guuldarooyin soo food saara ciidamada dagaalka Daacish kula jira.

Ugu dambeyn wuxuu balan qaaday inuu ka guuleysan doono Kooxda Daacish waqti waliba oo uu qaato dagaalka ka dhanka ah Kooxdaasi.

Daacish oo dalalka Syria iyo Ciraaq xoogooda ka dagaalama, ayaa geysta falal tacadi aan horay caalamka uga dhicin oo ay ku dhibaateeyaan ciidamada kasoo horjeeda iyo dadka la shaqeeya intaba.