TOP NEWS:- Madaxweyne Obama oo sheegay hadal ka farxiyay Itoobiya dhaawacna u geystay Alshabaab.

0

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ayaa amaan balaaran ujeediyey kaalinta Dowladda Itoobiya ee arrimaha Soomaaliya.

Shir Jaraa’id uu qabtey ayuu ku sheegay in Ciidamada Itoobiya guulo waaweyn kasoo hoyeen dagaalka kula jiraan argagixiisada gaar ahaan ururka al-Shabaab isla markaana dhowaan kala wareegeen labo magaalo oo saldhig u ahaa.

Mr Obama ayaa sidoo kale weerarkii hotelka Aljazeera ee ismiidaaminta ku tilmaamey mid muujineysa in ururada argagixiisada sida al-Shabaab hadafkoodu yahay in ay wax dilaan isla markaana burbur geystaan.

Wuxuu ku baaqay in la iska kaashado sidii loo cirib-tiri lahaa.

Hadalkan ayuu jeediyey kadib markii uu wada hadal la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana arrimaha ay ka wada hadleen kamid ahaa la dagaalanka argagixiisada.

Ciidamo ka badan 4,000 askari oo Itoobiya ayaa ku sugan Koonfurta Soomaaliya, waxaana ay kamid yihin Ciidamada AMISOM ee kamid ah howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ay al-Shabaab ka qabsadeen magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor oo ahaa labadii magaalo ugu dambeeyay oo xagjirinta al-Shabaab ku xooganayeen.