TOP NEWS:- Magaalada Dhuusamareeb oo Madaxweyne lagu doortay

0

Shirkii Ahlu Sunna ay dhigtay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa maanta waxaa lagu doortay Madaxweyne cusub oo uu yeelanaayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo qayb ka mid ah Hiiraan.

Hoolka Villa Barwaaqo ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu doortay Madaxweynahaan cusub, waxaana dooratay Ergada ka qaybgalaysa gogosha Ahlu Sunna ay dhigtay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha cusub ayaa waxaa loo doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Guddoomiyihii Golaha Fulinta Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa wuxuu ka guuleystay Musharaxiinta kala ah Maxamed Xaaji Xuseen, Wasiirkii Arimaha Gudaha Ximan iyo Xeeb iyo Afhayeenkii Maamulkaasi Careys Maxamed Xaaji.

Madaxweynahaan maanta looga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya, xilli 4-ta Bishan lagu wado in Magaalada Cadaado lagu doorto Madaxweynaha Maamulka Galmudug.