Top News: Musharax Axmed C/salaan “Dowladda Federaalka hagar-daameyn ayay ku wadaa ololaheyga Musharaxnimo”.

0

Musharaxa xilka Madaxweyne ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdislaan Xaaji Aadan ayaa ka hadlay hagar-daameyn uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso olalahiisa ku aadan xilka Madaxtinimadda Dowlad Gobolleedka Galmudug.

War saxaafadeed uu soo saaray Musharax Axmed Cabdisalaan ayuu ku sheegay in maanta loo diiday in garoonka Muqdisho uu ka soo duulo Maxamed Dahir Guuleed oo ku soo jeeday magaaladda Cadaado si uu uga qeyb galo ololihiisa doorashada uu ka wado Cadaado.

“Maxamed Dahir wuxuu ka mid yahay dadka Ololaheeyga horseedka ah, maanta ayaa ciidamadda Nabadsugida u diideen inuu Airport-ka Muqdisho ka soo duulo, waxaa lagu wargeliyey inuusan Cadaado aadi karin isaga oo aanan lagu eedeeyn sabab kale oo aan ka ahayn inuu ololaheeyga ka shaqeeyo” ayuu yiri Axmed Cabdisalaan.

Sidoo kale Axmed Cabdisalaan ayaa sheegay in horrey dowladda Federaalka sidaan oo kale xanibaad u saartay Madaxa Warfaafinta Olalahiisa Musharaxnimo Cali Yare Cali ka dibna xabsi dhigtay, muddo labo todobaad ahna u xiran isagoo aanan wax dambi ah lagu soo eedeyn, maxakamadna la soo taagin.

Musharax Axmed Cabdisalaan ayaa yiri ” Intaasi waxaa sii dheer in Dowladda fara-gelin ay ku wado dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe ee ka socda Cadaado, dad aanan Odayaashooda soo qorin ayaa Xidhibaano laga dhigay, qofkii xaqa u lahaana banaanka la dhigay, waxyalahaas iyo kuwa kalaba Dowladda waxa ay ugu hiilineysaa shaqsi mushraxiinta ka mid ah, Waxaan lee-yahay sidaan dowladnimadda uma fiicna”

Ugu dambeyn, Musharax Axamed Cabdislaan ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay si deg deg xanibaada uga qaado Maxamed Daaahir islamaraana xorriyaddiisa dib ugu soo celiso Cali Yare Cali, faragelintana ay ka deeyso dhisamaha Maamulka Gobolladda Dhexe.