Top News: Musharax Cabdullaahi Cabdisalaan Ashkir Oo Ka Tanaasulay Tartanki Madaxweyne Ee Maamulka Gobolada Dhexe.

0

Asalaamu calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu

Ujeeddo: Katanaasulid murashaxnimo jagada qabashada Madaxweyne ee Dowlad goboleedka Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Anigoo ah musharax madaxweyne Cabdullahi Cabdisalaan Ashkir (Garoon), kana mid ahaa Murashixiintii ugu horeeyay ee isu sharaxa jagada qabashada madaxweynenimo ee Dowlad goboleedka laga hirgelinayo gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaan ka tanaasulay u tartanka jagadaas.

Ka murashax ahaan waxaan kamid ahaa dadkii soo aasasay in laga sameeyo dib u heshiisiin dhab ah inta aan la dhisin maamulkaan islamarkaasna juhdi farabadan ku bixiyay nabadaynta iyo isu keenidda dhammaan beelaha Soomaalaiyeed ee ku dhaqan deegaanadaas loo samaynayo maamulka taas oo runtii noqotay guul aad loogu naaloodo la isuguna soo dhaweeyay beelihii walaalaha ahaa ee wada degenaa deegaankaas, kuwaa soo muddo kabadan 20 sano aysan dhexmarin wax wada hadala ama nabadayna, maantase miis wada faadhiya si ay aayahooda uga tashadaan.

Haddaba kadib markii aan arkay sidaa ay wax u socdaan iyo waxyaabo badan oo aanan ku qancin shaqsiyan oo dhinacyo badan taabanaya oo aanan doonayn inaan halkaan kusoo bandhigo ayaa waxaan go’aansaday inaan katanaasulo musharaxnimadii aan u sharaxnaa jagada qabashada Madaxweyne nimada ee maamul u samaynta gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Intaa kadib waxaan diyaar u ahay waligayna diyaar u ahaa ka qayb qaadashada horumarka dhinac walba, guud ahaan dalkeenna hooyo gaar ahaan deegaanada aan u ahaa muraashaxa ee gobolada dhexe, waxaanna lashaqayn doonaa cid walba oo si xalaal, niyaadsami caddaalad, wadanimo,soomaalinimo iyo ikhlaas kushaqaysa.

Wabillaahi Towfiiq

Cabdullahi Cabdisalaan Ashkir (Garoon)