TOP NEWS:- Ninkii la sheegay inuu fududeeyay weerarkii Jazeera Hotel oo si adag u beeniyay eedeymahaasi

0

C/naasir Muxamed Xasan (Buuni) oo Dowladda Somaliya ay magaciisa ku sheegay C/naasir Axmed Buuni, kuna eedeysay in uu fududeeyay weerarkii Jazeera Hotel Ee Magaalada Muqdisho, ayaa iska fogeeyay eedeymahaasi.

Hay’adaha Dembi Baarista Dowladda Federalka Somaliya, ayaa sawirka ninkaasi u adeegsaday ninkii fuliyay weerarka ismiidaaminta ah, ee gelinkii dambe ee Axadii lagu qaaday Hotel Jazeera. Waxay kaloo ku eedeeyen in uu hagaayay weerarkaasi, xilli uu ku sugan yahay Magaalada Boorama.

C/naasir Muxamed Xasan oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inaanu wax aqoon ah u lahayn ninkii weerarkaasi fuliyay, oo magaciisa lagu sheegay C/risaaq Muuse Buux, kana yimid Magaalada Bonn Ee Wadanka Jarmalka.

Waxa kaloo uu iska fogeeyay in wax xiriir ihi uu la lee yahay Ururka Al Shabaab, isla-markaana uu yahay nin dhalinyaro oo ganacsade ah, oo dadka oo dhami ay u garanayan nin aan khatar ku ahayn nolosha bulshada.

Eedeymahan loo soo jeediyay, ayaa wuxuu ku macneeyay wax uun cidi ka dambeysay, isagoona ugu yeeray in arrintan looga gudbo ujeedada saxda ah ee laga lee yahay, oo aan xaqiiqda laga fogaan.

Isagoo iska fogeynaaya in cilaaqaad uu kala dhaxeeya kooxaha mayalka adag, ayuu tilmaamay in fekerka uu aaminsan yahay, cid kasta oo gaysanaysa weerarada lamidka ah midkii Jazeera Hotel, ay halis ku tahay nolosha bani’aadamka, diin kastaa oo ay haystaan.

Mar la weydiiyay C/naasir Buuni in weligii uu Magaalada Muqdisho tagey, ayuu sheegay in qoyska uu ka dhashay ay ku lee yihiin ganacsi ballaaran, isla-markaana uu sanadkii 2013-ka mar tagey, markaasoo ugu horeysay, uguna dambeysay, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu muujiyay in qoyskiisu uu weligiiba ganacsi ku haystay Magaalada Muqdisho, isla-markaana aanu ahayn qoys lala xiriiriyo amaba looga bartay inay cilaaqaad la lee yihiin xoogaga ka dagaalamaaya dalka Somaliya.

Buuni waxa uu Dowladda Somaliya ugu baaqay in Dowladaha uga khibradda badan baaritaanada inay u soo bandhigto kiiskan, iyadoo aan sumcad xumo loo gaysanayn qof bilaa dembi ah.

Su’aal ahayd in Xukuumadda Somaliland ay arrimahan kala soo xiriirtay iyo in kale, ayuu sheegay markii ay eedeymahiisu soo baxeen in uu isagu la xiriiray Masuuliyiinta Gobolka uu ku nool yahay, iyana ay kala xiriireen cidii Gobolka uga wakiilka ahayd dhanka ammaanka, isla-markaana wixii isaga ku waajibay uu ahaa inuu arrintaasi ka hadlo, oo uu beeniyo, sawirkiisana loo adeegsaday ninkii weerarka gaystay.