Top News: Qarax Xoogan Oo Maanta Duhurki Ka Dhacay Deegaanka Buulo GUduud Ee Gobolka Jubbada Hoose.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta duhurnimadii qarax xoogan oo aaa miinada dhulka lagu aaso uu ka dacay deegaanka Buulo Gaduud oo aan sidaa uga fogeyn magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Miinadan dhulka lagu aasay lala haleelay mid kamid ah gaadiid ay la socdeen Maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe.

Qaraxan ayaa waxa uu sababay dhimashada sadex maleeshiyo ah iyo shan dhaawac ah oo damaantood kawada tirsanaa Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Horjooge Axmed Madoobe.

Ilaa Hadda Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa ka hadlin qaraxan mana ay jirto ilaa hadda cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxan waloow lagu tuhmayo Maleeshiyada Raaskambooni garabka Al Shabaab ka tirsan.

Isku soo wada duuboo ma ay ahan markii ugu horeysay oo qarax lala eegto Maleeshiyaadka Raaskambooni garabka Kenya la socda, waxaana alaaba dhacda markii uu dhaco qaraxan oo kale inuu dhimasho iyo dhaawac badan ku reebo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni garabka uu Hogaamiyo Horjooge Axmed Madoobe.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media