TOP NEWS:- Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Kenya oo toogasho lagu dilay

0

Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada laanta Sirdoonka ee dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa waramayaa in xalay maqribkii lagu dilay magaalada Mombasa ee Gobolka Xeebta.

Sarkaalkan oo fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ayaa magaciisa lagu sheegay Hashim Omar.

Wararka ayaa sheegaya in dilkiisa uu yimid markii Dabley hubeysan oo aan heybtooda la aqoonin ay uga hor yimaadeen xaafada Old Town ee magaalada Mombasa, kadibna ay rasaas ku fureen.

Raga weerarka fuliyay ayaa tiradooda lagu sheegay in ay 2 nin ahaayeen.

Sarkaalkan ayaa weerarka loo geystay wax yar kadib markii uu kasoo baxay salaadii maqrib ee xalay oo uu ku tukaday masaajidka Hanisa.Hashim Omar ayaa Mombasa gaaray 3 maalmood ka hor si uu qoyskiisa u soo booqdo.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa ku dhawaad 2 bilood kadib markii sarkaal kale oo ka tirsan laanta CID-da lagu dilay isla aagaasi.

Gavanaha Mombasa Hassan Ali Hassan iyo saraakiisha Booliska ayaa magaalada xeebta ah ayaa sheegay in haatan ay socdaan baaritaano arintaan ku aadan, isla markaana lasoo xiri doono kuwii dilka ka dambeeyay.