Top News:Wariye Sakariye Abdi oo lagu arkay magaalada Brussels Ka dib markii laga Afduubtay Muqdisho

0

Wariye Sakariye Abdi Adan, oo kamid ahaa wariyaasha ka shaqeynayay magaalada Muqdisho ayaa lagu arkay isaga oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kadib markii muddo la weysanayaa.

Wariyaha ayaa la sheegay in bilowgii bishii June laga afduubtay magaalada Muqdisho, waxaana la weysanaa muddo bilooyin ah, laakiin markii dambe ayaa la sheegay inuu ka baxsaday.

Wariyaha oo aan la hadalnay ayaa ka sheekeeyay sida uu ku baxsaday iyo waxii ku dhacay ehelkiisa.

“Waxaa ley afduubtay bilowgii June laakiin markii dambe ayaan baxsaday, intii aan afdubnaa waxay gurigeena ku dileen Aabahey oo xaafadiisa iska jooga, hadda waxaan ku suganahay dalka Belgium”ayuu yiri wariyaha oo aan la hadalnay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhibaatooyin badan uu la kulmay intii afduubka uu ku jiray, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuse markii dambe cadeeyay inuu ka baxsaday kooxaha afduubtay.

Ilaa iyo hadda lama oga waxay ahaayeen kooxaha Afduubtay wariyaha.

kak