TOP NEWS:- Xildhibaan Dalxa oo difaacay gobolka uu kasoo jeedo, Eedeyna u jeediyay Ciidamada AMISOM

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu Ciidamada Dowladda iyo Amisom uu ku eedeeyay inaanay doonayn in Shabaabku kula dagaalamaan Gobolka Shabeellaha Hoose. Wuxuu muujiyay halkii laga doonaayay inay difaacaan dhulkii horey Shabaabka looga saaray, in ay isaga baxayaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay dadka u dhashay Gobolkaasi inay is weydiinayaan, waxa Ciidamada Dowladda iyo Amisom kaga guranayan goobihii ay ka jooggeen Gobolka.

Waxa uu soo hadalqaaday wixii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Deegaanka Leego, 26-kii bishii hore ee June, laguna dilay askar badan oo ka tirsan Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Amisom, ay ku baraarugeen inay isaga baxaan qaybo ka mid ihi Gobolkaasi.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa ku waramaaya in dadka ku nool Gobolka Shabeellaha Hoose, ay fillayen oo keliya horu-socod ay sameeyan Ciidamada Huwanta, balse aynaan filleynin dib u gurashada inay sameeyan, sababo ku aadan hadalhaynta Dowladda oo markasta ahayd dardar-gelinta hiigsiga sanadka 2016-ka. Sanadkaasi ka hor waxa uu qorshuhu yahay in Shabaabku laga wada saaro dalka, si dalka kaga qabsoomto doorasho qof iyo codkii ah.

Xildhibaan Dalxa oo wareysi siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Somaliya ugu baaqay in wixii ay dadka u sheegto ka dhabayso, laakiin aanu is khilaafin hadalka iyo ficilka ay ku dhaqaaqayso.