Top News+Sawirro:Madaxweynaha afur iyo casho sharaf u sameeyay goleyaasha qaranka iyo diblomaasiyiin

0

Muqdisho, July 1, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xaflad afur iyo sharaf ah oo lagu maamuusayo munaasabadda 1-da Luulyo ugu sameeyay xarunta madaxtooyada xubnaha labada gole, taliyeyaasha ciidammada,diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa mar kale hambalyo ku aaddan xuska 55 guurada xornimada iyo midowga Soomaaliya u direy shacabka, isagoo kula dardaarmey inay la yimaadaan midnimo iyo is-jaceyl dhexdooda.

Intii ay xafladda socotey ayaa Madaxweynaha waxaa uu shahaaddooyin sharaf guddoonsiiyey guddiyadii kala duwanaa ee ka qeyb qaatey isku dubbaridka munaasabadaha toddobaadka xorriyadda Soomaaliya oo soo bilowdey 26-kii June.

Waxaa xubnaha shahaadooyinka la guddoonsiiyey ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir oo isla markaana ahaa guddoomiyaha guddiga qabanqaabada, Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka, S/Gaas Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Booliska, S/Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamid, Taliyaha Ciidanka Asluubta, S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Munaasabadan waxaa kale oo ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf iyo mas’uuliyiin kale.

unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so