TOP VIDEO:- Amaanka Gobolka Nugaal Oo Laga Digay Inuu Khal-Khal Gallo+TOP.

0

Mamulka Gobalka Nugaal ayaa maanta markii ugu horaysay soo saaray go’aan culus oo looga mamnuucayo Qaadka iyo in lagu cuno agagaarka halka ay degan tahay UNDP ee magalada Garowe, ka dib markii xalay halkaasi lagu dhaawacay Taliyaha Saldhiga Barri Siciid Bakistaan.

Gudoomiyaha Gobalka Cabdilaahi Ciise Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Garowe ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in qaad lagu gado laguna cuno inta u dhaxaysa Hotel Global iyo buundada, iyo haraaraha wadada la jiraahdo Dr.Jimcaale.

Sidoo kale masuulkan ayaa sheegay goobtaasi inay tahay meel ka mamnuuc ah inay soo galaan ciidanka hubaysan ee aan shaqada ku jirin ayna muhiim tahay in loo hogaan samo amarka mamulka kasoo baxay.

Cabdilaahi Ciise ayaa sheegay labadaasi arrimood inay caqabad ku tahay ammaanka Caasumadda, maadama agagaarkaasi ay degan yihiin Hay’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya deegaanadda Puntland, sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka ayaa sheegay inay waajib ku tahay madaxda ilaalada wata inaysan iyagoo hub wataa aysan meelaha qaadka laga mamnuucay lasoo gali karin.

Hoos ka Daawo Muuqal: