UPDATE: Cadaado oo Maanta lagu Dooranayo madaxweynaha Dowlada Galmudug Iyo Shaqsi Ugu Cad Xiligani…

0

 

Waxa lagu wada Inay maanta dhacdo doorashada Madaxweynaha gobolada Dhexe ee maamulka galmudug waxana u tartamaya Ugu yaraan  Lix Musharax waxana ka Mid ah ragaasi qaar xiligani ugu cad siweyn loo hadal hayo.

Sadexda Musharax oo xiligani ugu cad waxay yahiin,cabdikarim Xuseen Guleed Oo horay usoo noqday wasiirkii Amniga Dowlada Faderalka Isla Markaasina Xilkaasi isaga Casiley markii lagu eedeyey inuusan waxba Ka qaban Amaanka Muqdisho Qaraxyadii dhacay  kadib uu iska Casiley.

Axmed cabdisalaan sidoo kale oo isagana Ahaa safiirkii dalka Soomaaliya Ee wadanka Ethopia oo Ah Shaqsi ka Mid Ah Kuwa Ugu cad cad inuu madaxweynaha Ka Noqdo gobolada Dhexe,inkasta Oo lasheegayo inay Dhaliilsan tahay Dowlada Xiligani.

Sidoo kale  Fiqi  Waa masuul xil uga Soo qabtay dowlada  Faderalka Soomaaliya Waxana Uu ka Mid yahay Shaqsiyaadka Aad loo hadal hayo,lakiin Marka Laysku wada Daro Ayaa Shaqsiga Ugu cad cad doorashadani inuu Ku guulaysto waxay tahay Axmed Macalin Fiqi.

Sababta Uu Ku guulaysan Karo Axmed Macalin Fiqi

Saadaal ka samaysay marqaan News waxa Uu ku guulaysan karayo Axmed Macalin Fiqi Ee uu kaga Duwan yahay Ayaa Ah Iyadoo uu Inta Badan yahay Shaqsi tageero ka Helayn dhanka Villa Soomaaliya Iyo Awoodo kale Toona,Lakiin musharaxinta Axmed cabdisalan Ayaa tageero ka Helaya Etoobiya Sidoo kale  Cabdikarim Guleed Ayaa ka Helaya Villa Soomaaliya.

Marka Laga eego sida  Reer cadaado u doonayaan Shaqsi siyaasada ka Madaxbanaan waxay u badan tahay Inuu doorashadani ku guulaysanayo Axmed Macalin Fiqi Inkasta Ilaa hada la Hubin lakiin waxa siweyn looga Hadal hayaa magaalada cadaado.

waxa la Adkeyey Amaanka Guud ee magaalada cadaado waxana Lagu wadaa Maanta in lagu kala baxo madaxweynaha Cusub maamulka Galmudug ee cadaado laga Dhisayo waxana Soo baxaya tageerada dowlada Durba Cida  guulaysata Donayso inaysiiso.

Madaxweyne Kuxigeenada

Lix kale oo musharax Ayaa u tagan Xilka Madaxweyne kuxigeenka Gobolada Dhexe inay doonayaan Inay maanta ku guulaystaan  Xilkaasi.