War Cusub: Cabdiwali Gaas Iyo Axmed Madoobe Oo Ku Wajahan Magaalada Dhuusamareeb.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in ay ka soconeyso qaaban qaabada Caleema Saarka Madaxweynaha Centeral State Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Caleemasaarka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,iyadoo sidoo kale laga yaabo in ay ka qeyb galaan Saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya.

Caleema saarka ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu wadaa in lagu qabto 12-ka Bishaan oo ku beegan Axada Soo socota.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Amaanka Maagalada Dhuusamareeb si weyn loo Adkeeyay,iyadoo Ciidamada Xoogaga Ahlusunna la dhigay Wadooyinka Muhiimka ah.

Madaxweynaha Gobolada Dhexe Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Markii la Caleemo saaro uu soo dhisi doono Dolwad Wadaag ah oo wax ka qabata Gobolada Dhexe ee Dalka.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media