War Deg Deg Ah: Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Magaalada Caabudwaaq Ka Dib Dagaal Hadda Ka Dhacay.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal mudo socday ka dib Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ay la wareegeen gabi ahaan gacan ku haynta magaalada Caabudwaaq.

Warkan ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dhamaan Maleeshiyadi shalay weerarka kusoo qaaday Magaalada Caabudwaaq la soo qabtay.

Maleeshiyada xalay fiidki weerarka ku soo qaaday saldhiga magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa laga soo abaabulay magaalada Cadaado oo uu ku sugan yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hurinaya colaad ka bilaabata gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo dagaalka saaka ka dib waxaa hadda dagan magaalada waloow uu iminka magaalada Caabudwaaq ay howlgal balaaran ka wadaan Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.

Waxii ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media