War Deg Deg Ah. Ciidamada Itoobiya Oo Isaga Baxaya Magaalada Cadaado.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan magaaladaasi ay ku wargaliyeen Maamulka magaalada Cadaado inay Galabata isaga baxayaan magaalada.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in iminka uu wadahadal usocdo maamulka magaalada Cadaado iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.

Dhinaca kale Ilo wareedkeena ayaa waxa inoo xaqiijiyay in Maamulka magaalada Cadaado ay ka codsanayaan saraakiisha Itoobiya inay ku sii nagaadaan magaalada 2 maalmood.

Isku soo wada duuboo waxaan la saadaalin karin waxa kasoo baxaya wadahadalkan u socda Maamulka Cadaado iyo Saraakiisha Itoobiya.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media