War Deg Deg Ah: Wasiirka Gaashaandhigga Iyo Xildhibaano Hadda Gaaray Magaalada Caabudwaaq.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dowladda federalka Gen. Caabudlqaadir Sheekh Cali Diini ay iminka gaareen magaaladaasi.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Wafdiga Wasiirka Gaashanadhiga Gen. Diini ay kamid yihiin Xildhibaan Bashiir Diiriye Shariif iyo Xildhibaan Cabdullaahi Waranle oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Wafiga Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxaa magaalada Caabudwaaq ku soo dhaweeyay Gudiga Amninga, Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ee saaka la waregay gabi ahaan gacan ku haynta magaalada Caabudwaaq.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa hadda loo galbiyay halkii loogu talagalay inay dagaan.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media