War Deg Deg Ah:Al Shabaab Oo La Wareegay Baar Caleen Oo U Dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha Iyo Magaalada Kismaayo.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal faraha looga gubtay oo u dhexeeyay Falaagada Al Shabaab iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni uu caawa fiidkii hore ka qarxay deegaanka Baar Caleen oo u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dagaalkaas culus kadib in ay gabi aaan deegaanka Baar Caleen la wareegeen Falaagada Al Shabaab.

Dhinaca kale waxaa gabi aaan joogsaday ganacsigi iyo isu socodki magaalada Kismaayo, waxaana dhamaan dadka shacabka a ay ku soo xaroodeen guryahooda.

Ilaa hadda waxaan la cadeyn karin qasaaraha soo kala gaaray labada Maleeshiyo ee ku diriray deegaanka Baar Caleen oo u dhaxeysa magaalada Kismaayo iyo Garoonka Diyaaradaha magaaladaas.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media