War Deg Deg Ah:Saddex musharax oo u soo gudbay wareegga labaad.

0

Guddiga doorashad Madaxtinimada ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa iminka tirinaya codadka musharax waliba, waxaana ay sheegi doonaan inta uu helay musharax waliba.

Guddiga ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Axmed Macalin Fiqii uu helay 29 cod, halka Cabdikariin Xuseen Guuleed uu isna helay 29, waxaa saddexaad ku soo baxay Axmed Cabdi salaan Xaaji Aadan, kuwaasi oo u gudbaya wareegga xiga.

Musharaxiinta kale ee ka haray tartanka waxaa ka mid ah Maxamed Cilmi Afrax Mideeye 10, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid 6 cod, halka Xasan Qalaad uu isna helay 3 cod.

Waxaana wareega labaad u gudbay Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

musharax