Top News:Wararkii ugu dambeeyay Magaalada Cadaado iyo qaabka ay u socoto qaban qaabada

0

Hoolka doorashada Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaa ku qul-qulaya xubno kala duwan oo dadweyne iyo masuuliyiin lagu marti qaaday Doorashada Magaalada Cadaado isugu jirta.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana socda baaris ciidanka amniga ay ku hayaan dadka gelaya xarunta doorashada magaalada Cadaado.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo gaaraya 89 Xildhibaan ayaa u diyaarsan inay codkooda siiyaan hadba musharaxa ay taageersan yihiin ee ay arkaan inuu yahay mid qaban kara hogaanka Maamulka Gobolada Dhexe.

10:00 Subaxni ayuu qorshaha yahay inay bilaabato doorashada Magaalada Cadaado maanta ka dhaceysa, hadii aysan wax isbedel.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda, Xildhibaano Baarlamaanka dhexe ka tirsan iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan Magaalada Cadaado oo doorashada goobjoog u noqon doona.

Lama saadaalin karo cida ku guuleysanaysa doorashada ka bilaabanaysa Magaalada Cadaado, maadaama musharaxiinta ay loolan adag ku kala jiraan.

Saddex musharax ayaa ugu cad-cad doorashada Magaalada Cadaado maanta ka dhaceysa, kuwaasi oo kala ah C/kariin Xuseen Guuleed, Axmed Macalin Fiqi iyo Axmed Cabdi Salaan.