Warbixin: Wafdi ka tirsan maamulka Ahlu-Sunna oo Cadaado tagay iyo qorshe cusub oo socda !!

0

 

 

Wararka aan ka heleyno magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ay tageen wafdi ka tirsan maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ee dhawaan lagu dhisay magaalada Dhuusomareeb.

Xubnaha wafdiga waxaa kamid ah madaxweyne ku xigeen dhawaan lagu ansixiyay magaalada Dhuusomareeb Cabdulaahi Xersi Diirshe Daacad iyo masuuliyiin kale sida xubno wafdiga ka tirsan ay inoo xaqiijiyeen.

 

Careys Maxamed Xaaji, afhayeenkii hore ee Ximan iyo Xeeb laakiin iminka ka mid ah xubnaha Ximan iyo Xeeb ee ku biiray maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunna ayaa sheegay iney wafdigaasi tageen magaalada Cadaado.

 

Wuxuu sidoo kale Warbaahinta u sheegay in wafdiga uu doonay balaarinta maamulka Gobolada dhexe, sida uu hadalka u dhigay ayna tagi doonaan deegaano kale.

 

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay shaaciyay inuu wadahadal la galayo maamulka Ahlu sunna iyo maamula Puntland.