WARBIXIN+SAWIRO:- Cabdiwali gaas Oo Si Diiran Loogu soo Dhaweeyay Dagmada Burtinle.

0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 31-7-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal .

Maamulka  Degmada , Waxgarad, Haween , Dhalinayaro, Cuqaal, masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan ayaa si habsami leh uga qeyb-qaatay soo dhaweynta madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas loogu sameeyey Degmada Burtinle .

Soo dhaweyn kadib ayaa madaxweynuhu waxaa uu bulshadii iyo masuuliyintii soo dhaweysay kula hadlay meel fagaare ah , isagoona uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen , waxaana uu ku amaanay maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan sida ay uga qeyb-qaateen horumarka baaxada leh ee ay gaartay Degmadu.

” Runtii sida aadka u wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen aniga iyo wefdigayga aad ayaan idiinka mahadcelin , waxaa iiga muuqata soo dhaweynta dad faraxsan , waxaa sidookale ii muuqda magaalo qurux badan oo hurumartay ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waxaa loo baahanyahay in dawladd iyo shacaba inaad iska kaa shataan adkaynta nabad-gelyada Degmada , taas ayaa muhiimada koowaad iskaleh meelkasta oo aan joogno Puntland ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale guud ahaan shacabka Burtinle ugu baaqay inay ka qeyb qaataan barnaamijka isku tashiga Puntland, islamar ahaantaana si deg deg ah u soo dhisaan Golaha deegaanka Degmada cidkastana dhinaceeda ay ka qaadato horumarka Degmada .

Ugu dambeyn madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa loo gudbiyey hoyga uu degmada Burtinle ka dagan yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle , waxaana halkaas madaxweynaha si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Islaan Bashiir oo u sameeyey qado sharaf.

Daawo sawirada:

IMG_3569 IMG_3592 IMG_3593 IMG_3612 IMG_3613 IMG_3614 IMG_3619 IMG_3624 IMG_3629 IMG_3631 IMG_3636 IMG_3638 IMG_3639 IMG_3647 IMG_3651 IMG_3666 IMG_3694 IMG_3703 IMG_3714 IMG_3719 IMG_3733 IMG_3742 IMG_3752 IMG_3758 IMG_3765 IMG_3766 IMG_3768 IMG_3772 IMG_3789 IMG_3793 IMG_3810 IMG_3814 IMG_3821 IMG_3827 IMG_3831 IMG_3847 IMG_3850 IMG_3854 IMG_3858 IMG_3868 IMG_3873 IMG_3877 IMG_3879 IMG_3881 IMG_3885 IMG_3887 IMG_3889 IMG_3903 IMG_3912 IMG_3931 IMG_3933 IMG_3940 IMG_3952 IMG_3955 IMG_3957 IMG_3959 IMG_3964 IMG_3972 IMG_3975 IMG_3976 IMG_3977 IMG_3983 IMG_3985 IMG_3988 IMG_3992 IMG_3999 IMG_4007 IMG_4008 IMG_4010 IMG_4015 IMG_4023 IMG_4033 IMG_4035 IMG_4039 IMG_4049 IMG_4055 IMG_4058 IMG_4070 IMG_4098 IMG_4116 IMG_4117 IMG_4124 IMG_4126 IMG_4127 IMG_4144 IMG_4146 IMG_4148 IMG_4155 IMG_4158 IMG_4165 IMG_4169