WARBIXIN+XAQIIQO:- Indhacadde oo dhulka ku jiiday Maamulka Puntland iyo Maleeshiyda Raaskanbooni,

0

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Militariga Somaliya, ayaa waxa uu dhaliilay Madaxda Maamulka Puntland iyo Maleeshiyda Raaskanbooni, ka dib markii uu sheegay inay si khaldan isku baheysanayan.

“Ummada Somaliyeed waxaa la rabaa inay fahmaan in khalad isku baheysanayan C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe, waxaan lee yahay joojiya qabyaaladda aad isku baheysanaysaan.” Ayuu yiri General Yuusuf Maxamed Siyaad.

Yuusuf Maxamed Siyaad oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Madaxda Maamulka Puntland iyo Maleeshiyda Raaskanbooni, ay diidan yihiin Dhismaha Maamulka Galmudug, oo toddobaadyo ka hor lagu dhisay Magaalada Cadaado.

“Puntland iyo Axmed Madoobe oo kaalmaynaaya waxay ka cabanayaan waa Maamulka Galmudug, maxaa wax loo dhistay? Oo dadkaas wax u dhisanayaan waaye. Marka maxaa wax loo dhisanaa? Anigana aan wax dhisto! Adduunka meelay ka jirto lama arko.” Ayuu yiri Yuusuf Maxamed Siyaad.

Waxa kaloo uu yiri “In dalku uu Nidaam Federaala qaato Puntland iyadaa ku riixday oo tiri waa in Federaal la qaato, Nidaamkaana ayadaa la timid, ayadaa Ummada Somaliyeed ku riixday. Madaxweyne C/laahi Yuusuf markii la dooranaayeey ku riixday, maanta yeey ka qaylin. Puntland haku qanacdo Nidaamka Federaalka ah.”

Waxa uu intaa ku daray “Axmed Madoobe waa Maamul, Waamuu jooggaa 47 qabiil buu u yahay Madaxweyne ku meel gaar (KMG) ah, haku qanco Ummadiisa. Qaabka qabiilnimada oo uu u dhaqmaa ha iska daayo.”

Hadalka ka soo yeeray Sarkaalkan, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli Maamulka Puntland iyo Maleeshiyda Raaskanbooni aynaan ka soo qaybgelin shirkii New Deal ee Arbacadii iyo Khamiistii ka qabsoomay Magaalada Muqdisho.