Warbxin:Caabudwaaq Oo Sadex Calan Yeelan Doonta Puntland, Galmudug Iyo Ahlusunna Waljamaaca,Hadeysan Dadka Daga Caabudwaaq Qaarkood Joojin Sida Foosha Xun Ee Ay Wax Ku Raadinayaan…

0

Aadanaha Allaah Subxaanahu Watacaalaa Waxuu caqliga u siiyay inay ku gartaan waxa xun iyo waxa san,Soomaaliduna waxa ay ku maah maahdaa (Ninkaan Garan Waxa Socda Ma Uu Garan Karo Waxa Soo Socda.

Magaalada Caabudwaaq waxa ay ahayd magaalo Nabdoon laguna amaanay Nabada iy Horumarka ka jirta, waxaadse moodaa in arrintaas dadkii daganaa ay garan la’ayihiin inta nimcadii Rabbi ka badatay ay u durbaan tumayaan waxii mudo hore ay magaalada ka soo gudubtay taas oo ahayd QADKII CAGAARAN iwm.

Waxaa iminka soo ifbaxaya markaad si dhab ah oo hoose u baarto ama aad xiriir la sameeyso kana wareeysato guuxa dadka dagan magaalada, waxaa kuu soo baxaya in kooxeeysiga ka jira magaalada Caabudwaaq uu marayo halkii ugu xumeeyd abid, arrintaas oo sababi karta in magaalada Caabudwaaq ay ku danbeyn doonto labadii guri ee iska soo horjeeday midba inuu suran doono Calan Maamul goboleed oo gaar ah.

Sidoo kale waxaa isweeydiin mudan haddii ay sidan ku dambeyso magaalada Caabudwaaq yaa qaadi doona Mas’uuliyada in labadii guri ee iska soo horjeeday kala surtaan calamo kala duwan? Jawaabtu waa sahal waxaa qaadaya mas’uuliyadaas qaar kamid ah dadka dagan magaalada Caabudwaaq ee u haysta inay siday doonaan ka yeeli karaan dadka la dagan magaalada Caabudwaaq ama dhaliyaha la wadaaga.
Akhristoow haddii aad ka soo jeedo Magalaada Caabudwaaq maxaa xiga marka ay dhacdo sidan?

Waxaa xigaya in guri walbaa maamulka uu taageero unna suran yahay calankiisa uu ka helo garab, haddii ay noqon lahayd Gaadiid Dagaal, Dhaqaale iyo Hub iyo Rasaas, magaalada Caabudwaaq-na waxa ay noqon doontaa hadaan kibirka iyo beenta iyo foow foowdan cidlada ah laga deeyn inay noqoto xero (COW BOYS) oo aan ka jirin wax sharci iyo kala danbayn ah.

Haddaan caqligu hadda shaqeeyn lagana hortagin shaqsiyaadka qaabka xun ee liita loola kala safan yahay in magaalada aysan huri doonin in dagaal jifooyin ah uu ka dhici doono iyo xaafad xaafada kale ku duusha.

Soomaalida waxa kale oo ay ku maah maahdaa (Durbaan Ninkii Tumay, Ciyaartiisana Isagaa Laga Doonayaa) aniga oo ulla jeeda dadka hadda u durbaankan tumay ama sidatan wax yeelayaa si ay iyaga kaliya wax u noqdaan, waxay cunaan u helaan iwm, waxaa hubaal ah inay waayi doonaan waxbadan oo ay maanta haystaan, berina laga waayi doono Durbaankan ay maanta tumayaan ciyaartiisa.

Calamadee Isleedahay ama Maamulkee Ayaa Isleedahay Waa Uu Ugu Turtur Weynaan Doonaa?

puntland1

Markii la lafa guro sida wax u socdaan hadaan caqligu shaqeeyn waxaa hubaanti ah in xulufeysi iyo xiriir hoosaad uu ka dhaxeyn doono dadka ku nool magaalada Cabaudwaaq ee kala taageeraya Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Waxaa hubaal ah in xiriir dhow uu ka dhaxeen doono dadka dagan Caabudwaaq ee kala taageeraya maamulada Puntland iyo Ahlusunna maadaama ay isku si u arkaan Galmudug, waxaans idoo kalena marnaan doonin inay ciyaartan ka socota Magaalada Caabudwaaq ay qayb ka haato dowladda Itoobiya oo aan wada ogsoon nahay halka iyo qaabka ay u dheeli doonto doorka uga aadan fursadan dahabig u ah.

Waxaa muuqata haddii dadka u dhashay magaalada Caabudwaaq ee qaska iyo foowdada ka wada aysan joojin fidnadan iyo balaayadan ay u tumayaan durbaanka caqligoodana uu hadda shaqeeyn in laga hoos kacayo islamarkaana waxa aan lala haysan hadda lala qabsan doono, loona siideeyn doonin.

Ugu Dambeynti waxaa hubaal ah in dadka dagan magaalada Caabudwaaq ay yihiin dad wada dhashay, islamarkaana ay kala geynayaan shaqsiyaad damiir iyo dadnimo midkood aan lahayn,hanaan hogaamiye iyo mid siyaasina aan lahayn ujeedkooduna yahay oo kaliya aad wax noqtid adiga iyo hebel yuusan waxba kula qabsan beriyee maanta manja xaabi, caqligaas foorara haddaan laga deeyn bulshada reer caabudwaaq waxaa hubaal ah nin walbaa inuu geedkuu gaaro miro kasoo goosanayo, saa nina ilaahay umma uumin inuu isagu noqdo maalin walbaa kan wax xeeriya,dhoowra wada dhalashada iyo midnimada, difaaca danta guud ee dadka, haddaad iga daadiso caanaha, walaahaadan adna caano dhameyn intaan noolahay.

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
(Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg)