Top News:Wasiir Odawaa oo Ahlu suna ugu baaqay ka qeyb galka maamulka cusub ee Galmudug +Sawiro

0

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo maanta shir jiraa’id ku qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kaga warbixiyay natiijada doorashadii shalay ka dhacay magaalada Cadaado ee lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug.

Wasiir Odawaa oo safarkiisa Cadaado ay ku wehliyeen Xubno ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa amaanay doorashadii ka dhacday Cadaado,isagoona ku tilmaamay inay ahayd mid taariikhi ah.

“Waxaa amaan mudan maamulka Ximan iyo Xeeb waxaa amaan mudan golihii wasiirada ee shaqadaas tirada badan qabtay juhdigaas ku bixiyay waxaan rabaa in aan xasuusiyo bulshada Soomaaliyeed boroseeskani waxaa uu socday 80 maalin 60 ka mid ah halkaan aan joogay waxaan rabaa in aan magaca ummadda Soomaaliyeed ugu mahad celiyo cid alaale iyo cidii nagala qayb qaadatay hirgalinta shirkaas “ayuu yiri Odawaa .

Wasiirka ayaa waxaa u mar kale ku celiyay baaq uu u jeediyay maamulka Ahlu sunna waljamaaca oo uu ugu yeeray in ay qayb ka noqdaan maamulka ay yeesheen gobolada Mudug iyo Galgaduud waxay tabanayaana wada hadal lagu xalinayo.

“Ahlu sunna waxaan mar walba ugu baaqeynaa in ay dadkooda iyo dalkooda dhexda uga jiraan walaalahood wax la qaybsadaan waxbaa loo ogolyahay waa dhamaaday waqtigii koox laga ogolaa wadankaan dadku waa in ay dowlad nimada dhexda ka galaan wixii dee xaquuq ah ay leeyihiin halkaas ka raadsadaan “ayuu yiri Odawaa.

1 2 3 6