Top News.Wasiirki hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya oo Sir Banaanka soo dhigay, Walaacna ka muujiyay ka bixitaanka Ciidanka AMISOM

0

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ka hadlay ka bixitaanka Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, isagoo ka digay in ka bixitaankaas ay keento in Al-Shabaab ay dib isu soo abaabusho.

“Runtii Maalmahan Al-Shabaab waxaa moodaa inay waqti heleen inay dib isu soo abaabulaan, meelo badan ay soo weeraraan Ciidamada oo ka baxaya goobihii ay horay u heysteen arrintaas qatar weyn ayay keeni kartaa”ayuu yiri C/xakiin Fiqi oo wareysi siinayay Idaacada VOA.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shacabka deegaanada ay horay ciidamada qabsadeen ay qatar u keeni karto, haddii ay ka baxaan Ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Mar uu ka hadlayay sababta keentay in Al-Shabaab ay dib isu soo abaabulaan, soona weeraraan xarumaha ciidamada ayuu sheegay in tas sabab u tahay in aan cadaadis la saarin Al-Shabaab,

“Waxaa sabab u ah in Al-Shabaab cadaadis la saarin aanan lagu wadin weerarada iyo dagaalada joogtada ah, waxaa shaki ku jirin markaas in Al-Shabaab fadhigooda iyo ciidamada xarumahooda ugu tageyso”ayuu yiri C/xakiin Fiqi

Khubarada darsa arrimaha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ka sokow AMISOM oo aanan haysan diyaaradaha iyo awoodda sirdoon ee ay ku burbrin lahaayeen Al-Shabaab iyo weerarrada ka imaanaya, inay jiraan caqabado kale oo haysta hawgalka AMISOM oo ay ka mid tahay in taliyayahaasha qaarkood aysan amar ka qaadan Taliska dhexe, balse ay ka qaataan wadamadooda.