Xog Cusub oo laga helay Qiimaha lacageed ee Codadka uu ku iibsaday MD C/kariin Guuleed..

0

 

Warar Hoose oo anaga soo agaaray Cadaado ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud uu dhaqaalihii ugu badnaa Shalay subax ka dejiyey garoonka Magaalada Cadaado.

Dhaqaalahaasi ayaa lasheegayaa in uu ahaa mid loogu tala galay Xilibaanada Baarlamaanka Galmudug oo iyagu codka ka iibsaday Madaxweynahah Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Xogtu waxaa ay sheegaysaa in xilibaan lasiyay lacag adag oo ay ku bedelanayaan codkooda.

 

Xilibaan katirsan kuwa u codeeyay Guuleed ayaa inoo xaqiijiyay in xilibaanada loo ala saaray 3 qeyb qeyb waxaa lasiieyay 5.000 qeyb waxaa lasiiayay 10.000 halka qeybna lasiiyay 15.000 lacagtaas oo laga saarat qasnada DF Somalia xili ay shaqaalaha Dowlada yihiin kuwo aan dhowr bil qaadan xaquuqdii ay lahaayeen.

Bixinta iyo Qeybinta lacaghaasi ayaa waxaa loo xilsaaray xubno katirsan Dam jadiid oo ka howlgala Madaxtooyada Somalia, Waxaana lasoo warinayaa in madaxweyne xasan uu Online ka ahaa qadka telefoonka ilaa inta laga soo idleeyo doorashada.

Waxaa jira Qorshe uu C/Kariin Guuleed xilal ugu magacaabayo Xubnihii kula tartamayay doorashada inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in xubnaha wasiirada noqondoona liiskooda uu yaalo xafiiska Madaxweyne Xasan waxaana u badanaan doona xubno ka howlgala Madaxtooyada iyo wasaaradaha kuwaasi oo katirsan Damjadiid.
Dhanka kale waxaa jiro heshiis hoose oo dhaxe marayo xubno ka tirsan Ahlusunna kuwaasi oo lagu qancinaayo wasaarado.