XOG: Horjooge Axmed Madoobe Oo Beri Ku Wajahan Magaalada Garoowe. (Wax Ka Ogoow Ujeedka Safarkiisa)

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe uu maalinta beri a tagayo magaalada Garoowe ee caasimada Maamulka Puntland.

Warkan naga soo gaaraya Ilo wareedkeena ku sugan magaalada Kismaayo ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Horjooge Axmed Madoobe ujeedka safarkiisa uu salka ku hayo sidii ay si wadajir ah isaga iyo Cabdiwali Gaas ay laba arrimood u diidi lahaayeen warsaxaafadeedna uga soo saari lahaayeen kuwaa oo kala ah sidan.

1- Gudiga Doorashada 2016 oo u badan Xubnaha Damu Jadiid ee maanta Baarlamaanka Federaal Ansixiyay.

2- Maamulka Galmudug oo ay qabsadeen Kooxda Damu Jadiid Hogaankana uu u qabtay Cabdikariin Xuseen Guulleed.

Ilo wareedkeena ayaa xaqiijiyay in ujeedka safarka Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Horjooge Axmed Madoobe ay ugu muhiimsan yihiin labadaas qodob iyo latashiyo uu lasoo yeelanayo Hogaamiyihiisa daaha Gadaashiisa ka hogaansha Cabdiwali Gaas.

Isku soo wada duuboo waxaan la saadaalin karin diidmadan iyo qaylo dhaanta ay soo saari dooraan Horjooge Axmed Madoobe iyo Madxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas sida dhag jalaq loogu siinayo, maadaama ay Ummada Soomaaliyeed horey ugu barteen  (Sad Bursi, Eex, Qabyaalad iyo u adeegida dowladdaha shisheeye iyo burburinta Dowladdnimada Soomaaliyeed.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media