XOG:- Qofkii fuliyay weerarkii hotel Jazeera oo la sheegay inuu ahaa Soomaali haysta dhalashada dalka ….

0

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa oggaaday qofka fuliyay weerarkii galinkii dambe ee shalay lugu qaaday hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho inuu ahaa Soomaali haysta dhalashadda dalka Jarmalka.

Qofkan waxaa lugu oggaaday baarid dhinaca DNA-ga,waxaana khubaro ajaanib ah oo baartay ay xaqiijiyin ruuxa weerarka fuliyay inuu degenaa magaalada Bon ee dalka Jarmarka.

Laamaha ammaanka ee dalka wali ma aysan soo saarin warbixin ay kaga hadlay cida fulisay weerarkan,balse warar horu-dhac ah oo ay heshay warbaahinta gudaha ayaa lugu sheegay in la aqoon sadey qofka weerarka fuliyay,balse waxaa la diiday magaciisa in cid la ogeysiiyo.

Sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka waxuu u sheegay All-Galgaduud inuu socdo wali baaritan la xiriira sida uu u dhacay weerarkii hotel Jezeeri oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya saddex iyo tobon ruux oo u ku jira muwaadin u dhashay dalka Shiinaha.

Dhismaha la qarxiyay waxuu hoy u ahaa illaa saddex safaaradood,waxaana dagi jiray madaxda dowladda iyo mas’uuliyinta hay’adaha gargaarka ee yimaada Soomaaliya.

Ururka al-Shabaab ee la-dagaallamaya dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan,marka waxuu sheegay afhayeen u hadlay inay sii wadi doonan weerarka ay ka fulinayaan Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay  dhankeeda caddeysay weerarkan inusan wax u dhimeeyn,qorshaha lugu doonayo in lugu xasiliyo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.