XOG: R/wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Maalmaha Soo Socda Ku Wajahan Magaalda Garoowe.(Wax Ka Ogoow Ujeedka Safarkiisa)

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan gudaa Xarunta Villa Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Cumar Cabdirashiid uu maalmaa soo socda ku wajahan yahay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in R/wasaare Cumar Cabdirashiid uu safarkiisa salka ku hayo sidii uu Mamaulka Puntland uga dhaadicin lahaa inay taageeraan maamulka Galmudug ee ay sameysteen kooxda Damujadiid hogaanka u hayo Cabdikariin Xuseen Guulleed.

Dhinaca kale Waxaa qorshaha R/wasaare Cumar Cabdirashiid ku jira in Maamulka Puntland aysan ka or imaan gudiga doorashooyinka ee maamnta uu ansixiyay Barlamaanka Federaalka unna badan xubno ka tirsan Kooxda Damujadiid.

Isku soo wada duuboo waxaan la saadaalin karin sida Madaxda Maamulka Puntland ay uga aqbali doonaan qorshaha Damujadiid usoo dhiibeen R/wasaare Cumar Cabdirashiid iyo jawaabta ay ka bixin doonaan codsiga Wiilkooda Halyeyga geesiga ah.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media