XOG: Sabtida oo laga baqdin qabo weeraro waaweyn oo Shabaab ay ka…

0

 

Iyadoo bishan barakaysan Ramadaan ay Ururka Al Shabaab kordhiyeen weerarada, ay ka gaysanayan Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya, ayaa waxaa maalinta Sabtida laga cabsi qabaa in weeraro waaweyn ay gaystaan.

 

Sabtida waxay ku aadan tahay 17-ka bisha Ramadan oo ku beegan xilligii uu dhacay dagaalkii weynaa ee Badar, ee ay isaga horyimaadeen Muslimiinta iyo Gaaladii Qureysheyd, isla-markaana ay guul ku gaareen Muslimiinta.

 

Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa looga bartay inay weerarada kordhiyaan kolka la gaaro 17-ka Ramadan, iyadoo xilligan aad mooddo in mintidiintu ay la soo baxeen dardar, u muuqata inay korortay awoodoodii.

 

Laamaha ammaanka Dowladda Somaliya, ayaa waxay bilaabeen tallaabooyin ay kaga gaashamanayan weeraradaasi, waxaana socdo qorshe lagu xoojinaayo ammaanka Magaalada Muqdisho iyo goobaha kale, ay ka arrimiso Dowladda.

 

Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa hay’adaha amniga ku wargelisay inay heegan galaan, isla-markaana ay isha ku hayaan dhaq dhaqaaqyada Al Shabaab, si looga hortaggo khatarta ay maleygayan.

 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa laba toddobad ka hor Magaalada Muqdisho ka sheegay, in bishan Ramadan ay xoojinayaan feejignaanta ay ka qabaan mintidiinta.

 

Weerarada ay bishan gaysanayaan Al Qaacidada Somaliya, ayaa saamayn weyn waxa uu ku yeeshay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika. Amisom waxay in ka badan 70 askari ay ku weysay weerar Jimcihii ka dhacay Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Shacabka Somaliyeed ee dalka ku sugan, ayaa kuu sheegayan bishan in xaalku uu ka duwan yahay sidii hore, iyagoo walaac ka muujinaaya sida Shabaabku ay u xoojiyeen weerarada ay qaadayaan.