XOG+AKHRISO: Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Fashil Siyaasadeed iyo Mid Diblomaasiyadeedba lagu helay.

0

Tan iyo intii la soo magacaabay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Raisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaake, Waxaa soo baxaya Fadeexooyin ay qaar kamid ah Xunbaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Sharmaake ay wajahayaan.

Wasaaradaha Fadeexooyinka Siyaasadeed la soo baxay waxaa kamid ah Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ee uu Wasiirka ka yahay Cabdisalaam hadliye Cumar,iyadoo ay siyaasad xumada wadaaradda Dibadda keentay in Beesha Caalamka ay albaabada ka xirtaan Siyaasadda ay Maanta Dalka ku hogaamineyso Xukuumadda Raisal Wasaare Sharmaake.

Wasiir Hadliye oo horay ugu fashilmay Xilka Gudoomiyaha bangiga dhexe ayaa waxaa iyadoo ay haystaan Dhaawacyadii kasoo gaaray Musuq maasuqii uu horay ugu hagayay Bangiga Dhexe ee Dalka ayaa waxaa lagu abaal mariyay Qabashada Xilka Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Hadliye ayaa tan iyo intii uu Wasaaradda joogay soo saaray dhowr Warsaxaafadeed oo kala duwan kuwaas oo qaar kamid ah uu ku weeraray Qaar kamid ah Dowladaha Deeq Bixiyayaasha Soomaaliya oo ay kamid tahay Dowladda Sweden, Qoraalkaas oo uu ku cabirayay in Dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay Xukuumadda Sucuudiga oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyey Dowladda Sweden.

Sidoo kale Wasiir Hadliye ayaa Murankii Badda ee ka dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya ee Xukuumadii hore ay dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Maxamadda ICG,waxaa warar aan ka helnay Ilo Xogogaal ah ay sheegayaan in shakhsiga Kenya ku wargaliyay ineey la laabteen Dacwad badeedkii ay horay u gudbiyeen uu isagu yahay, la laabashadaasi oo la sheegay inuu ku qaatay aduun lacageed oo gaaray Nus Milyan Dollar.

Dhinaca kale Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa tan iyo intii uu Wasiirka ka noqday Hadliye waxay lasoo baxday baratakool Xumo,iyadoo dhowr jeer oo hore ay ku dhacday fadeexooyin baratakool,Xilli Soomaaliya ay ku sugneyd Shirar Caalami ah arimahaas oo uu ugu wacanyahay Wasiir Hadliye kadib markuu qeybta Baratakoolka ee Wasaaradda uu geeyey shakhsiyaad ay isku hayb yihiin oo aan Nidaamka Dowladnimo waxba ka garanaeyn balse lagu geeyey nin jecleysi.

Sidaas si lamid ah Wasiir hadliye ayaa Albaabada ka xirtay Safiirado Muddo ku soo dhexjiray Arimaha Diblumaasiyadda kuwaas oo qaarkoodne xilalka laga qaaday balse wasaaradda ka tirsan kuwa kalane uu isagu ku wargaliyay ineey Gudaha Soo galaan si badalaad loogu sameeyo ama ugu yaraan meelo kale loogu badalo,taa badalkeedane Hadliye ayaa Safaarado awal furnaa al-baabada isugu soo laabay,isagoo qaar kamid ah Safaaradahane lagu wado inuu geeyo Dhalinyaro aan habayaraatee meelna ka soo galin arimaha Diblomaasiyadda,balse uu qaab qabiil iyo nin jecleysi ku geeyn rabo boosas aysan u qalmin, waxaana uu gabi ahaanba hareer maray Nidaamkii Awood qeybsiga ee 4.5 ee ay aheyd in lagu Qeybiyo Xilalka Safiirnimo.

Wasiir Hadliye ayaa Sidoo kale Xoghayn ka dhigtay Gabar lagu Magacaabo Hindiya oo horay shaqo gudasho la’aan looga soo eryay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Xafiiska Wasaaradda Arimaha Gudaha,isagoo aan ku dooran aqoon iyo shaqo gudasho balse lasoo wariyay inuu xilkaas muhiimka ah ugu dhiibtay dano isaga u gaar ah, taasi kamid ah waxyaabaha Fashilka u keenay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Ugu Danbeyntii hadii Raisal Wasaare Cumar Cabdirashiid uusan isbadal dhab ah ku sameyn wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya waxaa hubaal ah in Fadeexooyinka ay hadda la liic-liiceyso Wasaaradda Dibadda kuwo ka xun ineey cagaha la gali doonto, waxaana Diblumaasiyiin la hadlay Shabakadani ay hoosta ka xariiqeen in Raisal Wasaaraha ay ku wargaliyeen inuu badalo Wasiirka Arimaha Dibadda Bacdamaa tan iyo intii hadliye loo dhiibay Xilkaasi ay Wasaaraddu wajahday Fadeexooyin Siyaasadeed iyo kuwo Diblomaasiyadeed.