XOG:Dareenka Shacabka Iyo Haddii Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed Loo Doorto Madaxweynaha Galmudug Waxa La Filan Karo?

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanada gobolada Galguduud iyo Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in dareenka shacabka uu aad u kacsan yahay maadaama Maalinta Sabtida ah ay dhacayso Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Wariyeyaasha Warbaahinta Allgalgaduud Media oo xiriir la sameeyay wariyeyaal ku kala sugan dhamaan deegaanada gobolada Galguduud iyo Mudug (Galmudug) ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen dareenka dhamaan qaybaha Bulshada ee deegaanadaas ee ku aadan doorashada dhacaysa maalinta sabtida ah ee lagu dooranayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, waxa ayna si toos ah uga hadleen dareenkooda iyo walaaca ay ka qabaan qaar kamid ah Musharixiinta u tartamaya xilkaas.

98% dhamaan dadka shacabka ah ee ku nool gobolada Galguduud iyo Mudug (Galmudug) ayaa waxa ay ka biyo diidsan yihiin Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ay ku tilmaameen inuu yahay nin aan wax dan ah u hayn dadka Gobolada Galguduud iyo Mudug islamarkaana ku habooneen qabashada Xilka Madaxweyne maadaama sida ay sheegeen uu u shaqeenayo danaha iyo qorshaha 2016 ee urur diimeedka DAMUJADIID ee uu ka tirsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shacabka deegaanada Gobolada Galguduud Iyo Mudug ayaa waxa ay ugu baaqeen dhamaan Xildibaanada Cusub ee Maamulka Galmudug haddii ay yihiin kuwo u daneenaya jiritaanka Maamulka Galmudug iyo Horumarka Shacabkiisa inaysan marnaba wax cod ah siin Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed, haddii ay siiyaan codkooda inay ogaadaan inay qaadi doonaan iyagu Mas’uuliyada burburka iyo in lagu kala tago maamulka cusub ee Galmudug.

“Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed haddii la doorto waxa ay sababi doontaa in dad iyo deegaano badan ay kalsoonida kala laabtaan Maamulka cusub ee Galmudug, sidaa awgeedna waxaa looga baaan yahay Xildhibaanada inay si foojigan u doortaan Musharaxiinta kale ee dadka iyo deegaanada Galmudug sida dhabta ah wax ugu qabanaya dadkuna ay doonayaan”. Waxaa sidaa yiri Cabdi Jaamac Kamase oo ku sugan Guriceel.

“Waxaan ku talinayaa inaan wax cod ah la siinin Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed, haddiise Xildibaanada aysan sharfin ama tixgalin rabitaanka shacabka Galmudug oo ay doortaan laaluushka iyo shilimaanta uu siinayo Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaan hubaa in Cadaado gudaheeda ay xabada ka bilaaban doonto laguna kala tagayo Maamulka Galmudug” waxaa sidaa yiri Faarax Jimcaale Cali oo ku sugan magaalada Cadaado.

Dhinaca kale Maxamed Cismaan Janogale ayaa isagoo jooga Gaalkacyo waxa uu yiri “Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed haddii la doorto koleey anaga iyo dagmooyinka kale sida Caabudwaaq, Guriceel, Balanballe, Dhuusamareeb iyo Cadaado kalsoonida ayaan kala laabanaynaa maamulka Galmudug gabi ahaantiis, waxaana si toos ah u taageereenaa Maamulka Alusunna Waljamaaca ee looga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb.

Isku soo wada duuboo waxaa teer iyo shalay soo xoogeysanaya kacdoonka ka dhanka ah Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed ee shacabka Gobolada Galguduud iyo Mudug oo haatan baaqyo kala duwan u diray Xildibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo ku aadan inaysan wax cod ah siin Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media