DAAWO MUUQAAL : 30 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo ka horyimid Wasiirada uu magacaabay Madaxweyne Guuleed+Shirjaraa’id.

0

30 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa waxay si adag kaga horyimaaden Liiska Magacyada Golaha Wasiirada, ee uu xalay ku soo dhawaaqay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanadan, ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado, waxayna kaga dhawaaqen inaanay marnaba codka siin doonin Golaha Wasiirada cusub, oo ay u arkaan kuwo aan wado sharci ah lagu keenin.

Xildhibaan Sheekh Cumar Maxamuud (Mahad Alla) oo u hadlay Xildhibaanada saluugsan Golaha Wasiirada, ayaa sheegay inaanu Madaxweynuhu wado sharci ah u marin magacaabidda Wasiirada, sida uu yiri.

Waxa kaloo uu sheegay tirada Golaha Wasiirada inay tahay mid aad u badan, waxayna keeni kartaa buu yiri inay isku dhacaan beelaha degga Gobolada Dhexe (Galgaduud & Mudug), sidaasi daraadeedna aynaan codka kalsoonida siin karin Wasiiradaasi.

Xildhibaan Mahad Alla oo ka soo muuqday Warbaahinta gudaha, ayaa ku baaqay wax ka bedel in lagu sameeyo Liiska Magacyada Golaha Wasiirada, haddii la doonaayo inay codkoodu siiyan, sida uu yiri.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ayaa tiradoodu guud waxay ka kooban tahay 89 xubnood. Xubanaha soddonka gaaraaya ee ka horyimid Golaha Wasiirada, ayaa maanta waxay la baxeen (Kudlada Badbaadada Galmudug).

Madaxweynaha Galmudug oo xafladdii lagu soo magacaabay Golaha Wasiirada ka hadlaayay, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ugu baaqay inay codka siiyaan Wasiiradan, iyadoo la qiimeynaayo daruufaha jira, sida uu yiri.

HOOS KA DAAWO WARBIXIN: