DAAWO SAWIRADA: Madaxweyne Xasan Sheekh oo u amba baxay Wadanka Emirate-ka Carabta.

0

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno uu horkacaayo, ayaa Duhurnimadii maanta ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Emirate-ka Carabta, Khalifa bin Zayed Al Nahyan, waxaana lagu wadaa inay ka wada hadlaan arrimo dhowr ah oo labada dhinac la xiriira.

Labada dhinac, ayaa ka wada hadli doono iskaashiga labada dal, xaaladda Somaliya, horumarka xilligan ka jira Somaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa. Madaxweynaha Somaliya waxaa lagu wadaa laba illaa saddex maalmood in uu soo jooggo dalkaasi.

Madaxweynaha, ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Masuuliyiinta Emirate-ka Carabta.

Emirate-ka, ayaa Somaliya ka caawinaaya dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo dhinaca kalana uu mashaariic ballaaran ka wado Magaalada Magaalada Ee Xarunta Somaliya.

Waa safarkii ugu horeeyay oo xagga dibadda ah uu ugu amba baxo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii 12-kii bishan ay Mooshin ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya qaarkood.

DAAWO SAWIRADDA:

DSC03032 DSC03021 DSC030111 DSC030091 DSC030061 DSC030031 DSC03045 DSC03040 DSC03034