Daawo Sawiradda Kulankii Maanta Lagu Ansixiyay Golaha Wasiiradda Galmudug Ee Cadaado.

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo maanta shir ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay Golaha Wasiirada uu jimcihii la soo dhaafay magacaabay Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 69 Mudane ayaa waxaa ogolaaday 66 Xildhibaan, iyadoo saddexda xildhibaan ee kale ay ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen oo aan codeyn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay inay ansax yihiin Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug KMG ah ee Jubba, isla markaana laga sugayo in waajibaadkooda uga soo baxaan sidii loogu dhiibay.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa horay uga codsaday Xildhibaanada inay ansixiyaan Golihiisa Wasiirada cusub, si ay u gutaan waajibaadka hor-yaala, waxaana ansixinta maanta oo uu goob joog ka ahaana uu soo dhoweeyay ansixintaas.

Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa ka kooban 24 Wasiir, 23 Kuxigeen iyo afar Wasiiru dowlayaal, waxaana la filayaa inuu xubno kale ku kordhiyo Wasiirada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qorsheynaya inuu magacaabo Taliyaha Ciidamada Maamulka Galmudug, waxaana laga yaabaa inuu xilkaas u magacaabo Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde.

Wararka ayaa sheegaya Yuusuf Indha Cadde uu horay uga mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka soo maray uu gaaray degmada Cadaado.

Maamulka Galmudug ayaa xarun KMG ah ka dhigtay degmada Cadaado, ayaa waxaa sugaya howlo adag, oo ay ka mid yihiin muranka kala dhaxeeyay Ahlusuna oo gacanta ku heysa degmada Dhuusa Mareeb oo ah Caasimada Galmudug iyo Puntland oo aan aqoonsaneyn jiritaanka Galmudug.

DAAWO SAWIRADDA:

11040943_10153612359678470_3050426074017232021_n  11232176_10153612360568470_2151021586786137603_n 11914138_10153612367828470_8990124302736801887_n 11924557_10153612359018470_2410530079276575221_n11949422_10153612366893470_4493149883661623918_n 11947572_10153612359418470_674746512204142506_n11218960_10153612359948470_6508045495041937646_n  11951355_10153612360723470_1406666897236877635_n 11954846_10153612360083470_8093920042124686012_n 11960141_10153612359833470_129504410421281008_n 11986335_10153612367128470_8805677589562657955_n