DAAWO VIDEO : Suldaan Maxamed Yuusuf Oo ka Hadlay Xaaladda Guud ee Siyaasadda somaliya.

0

Afhayeenka beesha Daarood ee Yurub Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi ayaa soo gebogebeeyey booqasho qaadatay labo todobaad oo uu ku marayey dalalka Jarmalka & Iskandaneefiyanka .

Ujeedada safarka Suldaanka ayaa ahayd sidii ay u soo kala warqaadan lahaayeen jaaliyadaha ku sugan wadamadaas isla markaana uu uga xog warami lahaa xaaladaha ugu danbeeyey ee dalkii.

Sidii jaaliyadu uga qayb qaadan lahayd mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland sida Garoonka Boosaaso, kan Garoowe, Jaamacada Maakhir & wadooyinka qorshaysan ayaan qayb ka ahaa qodobadii kulamadaas lagu jeexjeexay.

Muhiimada ay leedahay in dalkii dib loogu noqdo laguna sameeyo maalgashi ayuu xusay suldaanku. Wuxuu la wadaagay jaaliyadaha sida uu ula dhacsan yahay waxqabadka baaxada leh ee Madaxweyne Gaas ku talaabsaday mudadii uu xafiiska jooga isagoo qiray in Dalku maanta haysto hogaankii loo baahnaa .

Suldaanka ayaa dib ugu guryo noqday dalka Austriya oo fariisin u ah isagoo balan qaaday inuu sii kordhin doono safarada.

DAAWO MUUQAAL: