Deg Deg: Dagaalo Ka Socda Hawdka Gobolka Sool

0

Laascaanood(AGGM) Waxaa saacadihii la soo dhaafay degaanada Qorilay iyo Gumburka ee koonfurta gobolka Sool ka socday iska hor imaadyo xoogan oo u dhexeya dad reer guuraa ah kuwaasi oo muddo badan colaado ka dhex aloosnayeen,waxaana wararku sheegayaa in dagaalkaasi saaka sii xoogeystay.

Maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda Waqooyiga  Galkacayo ayaa la sheegay inay saacadihii la soo dhaafay weeraro xoogan ku soo qaadeen Tuuladda Qoriley oo ay degaan dad ka soo jeedaa Gobolka Sool,waxaana la shaaciyey in weerarkaasi uu hadda ka socdo duleedka Magaalada Qoriley.

Weerarka saaka ayaa daba socda weerar isla shalay ay ku soo qaadeen degaanka Gumburka Maleeshiyaad Ka soo jeeda Waqooyiga Galkacayo kaasi oo ay ku dhaawaceen wiil yar oo 3 sano jira kaasi oo la sheegay in laga baxay Dhabta hooyadiis,waxaana wiilkaas yar magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdiraxmaan,waxaana la sheegay in Maleeshiyaadka Dhinaca galkacayo ka soo jeeda rasaas si toos ah ula dhaceen.

Colaadan ayaa dib u soo cusboonaatay  ka dib markii nin ka soo jeeda gobolka Sool uu dilay nin ka soo jeeda Waqooyiga Galkacayo,waxaana la sheegay in Maleeshiyaadka ninkaasi laga dilay ay weerar aan kala go,lahay ku soo qaadayeen dadka reer guuraga ah ee ku sugan nawaaxiga Gumburka iyo Qorilay oo saaka dagaalo culus ka socdaan.

Ugu dambeyntii dagaalka socda ayaa la sheegayaa inuu maanta sababay khasaare lixaad leh oo labada dhinac soo kala gaaray iyadoo ay dhinacyadda dagaalamayaa kala helayaan gurmadyo kala duwan mana jiraan cid isku hawshay inay kala dhex gasho dadka walaalaha ee dirirtu u dhaxayso.

Waa Kan Wiilka Yar Ee Ay Dhaawaceen Maleeshiyaadka Waqooyiga Galkacayo Ka Soo Jeedaa.

Maxuud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com