Deg Deg: Raisalwasaare Sharmaake Oo Gaaray Magaalada Kismaayo

0

Kismaayo(AGGM) Raisalwasaaraha dawlada federaalka ah Cumar Cabdirashiid iyo wefti uu hogaaminayo ayaa hadda gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubadda Hoose,waxaana la sheegayaa inuu halkaasi kula kulmayo Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Hoos Joogayaashiisa.

Raisalwasaraha iyo weftigiisi ayaa la sheegay inay garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyeen horjooge Axmed Madoobe iyo hoos joogayaashiisa,waxaana la sheegay ina weftigaasi u soo gudbiyeen Xarunta Maleeshiyaadka Raaskambooni ku tilmamaan Madaxtooyadda.

Raisalwasaraha iyo weftiigisa ayaa la sheegayaa inay Horjooge Axmed Madoobe iyo kooxdiisa kala hadlayaan arrimo badan oo ku aadan Xaalada Jubooyinka iyo muranka siyaasadeed ee ka dhex aloosan dawlada federaalka ah iyo Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa hadda ka socda gudaha xarunta lagu tilmamo Madaxtooyadda,waxaana la sheegayaa ina kulankaasi laga soo saari doono warsaxafadeed ku aadan ujeedada safarka Raisalwasaraha iyo weftiigiisa,waxaana lagu soo bandhigi doonaan sacadaha soo socda halkaasi.

Wararka Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com