DEG DEG:- Sarkaal ka tirsan Hay’adda Miino Baarista oo Muqdisho lagu dilay

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan ay Degmadaasi ku dileen Sarkaal ka tirsan Hay’adda Miino Baarista Qaramada Midoobay u qaabilsan oo lagu magacaabo Mine Action.

Dilka Sarkaalkaan ayaa wuxuu ka dhacay Waaxda Gaheyr ee Degmada Xamar Jajab sida Warbaahinta uu u xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore.

Niman hubaysan oo Bistoolado ku hubaysan ayaa toogtay Sarkaalkaan xilli uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada, waxaana ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen Sarkaalkaan oo lagu magaciisa lagu soo koobay Aweys.

Maamulka Degmada Xamar jajab waxa ay sheegeen inay wadaan baaritaan ku aadan dilka Sarkaalkaasi ka tirsan Hay’adda Miino Baarista ee Mine Action loogu geystay Degmadaasi Xamar jajab.

Sarkaalkaan dilka loo geystay ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ka tirsan yahay Booliska Somalia, qaybta tababarada ay siiso Mine Action ee loo tababaro fur furida waxyaabaha qarxa ee meelo ka mid ah Muqdisho lagu aaso ama lagu arko.

Ragga dilka geystay ayaa loo maleynayaa inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, maadaama ay beegsadaan ciidamada iyo xubnaha u shaqeeya Dowladda Somalia.

Muddooyinkaan dambe ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay aheyd mid wanaagsan oo aysan ka jirin dilal qorsheysan.