WAR CUSUB:- Baarlamanka Xaaraanta ah ee Raaskanbooni oo shaaciyay in Axmed Madoobe wakhtigii ka dhamaaday doorashano dhacayso….

0

Gudoomiyaha Baarlaman Ku Sheegga Kooxda Raaskanbooni (Cabdi) oo ka hadlayay madasha xafladda lagu ansixiyay dastuur Been Abuur ah oo aysameysteen kooxda axmed madoobe ayaa Muran iyo Fashil Dheer Kadib maanta Shaaciyay in 15-Bishan oo ay ka harsan tahay 14-cisho kaliya ay dhici doonto doorashada Kooxda Maamul Ku Sheegga ah ee Raaskanbooni oo hadda uu heysto Axmed Madoobe.

Madasha lagu ansixinayay dastuurka Been Abuurka ah ayuu goor dhow hadalkan ka sheegay Sheekh Cabdi.

Berri subax ayaa lagu wada in lagu dhawaaqo sidoo kale guddiga doorashada Aan La ogeyn Qaabka ay noqon doonto, walow aysan cadaalada ka jirin Xilalkii horay loo magacaabay.

Tan iyo Markii Ay Ciidamo Taabacsan Kooxda Axmed Madoobe Ay Gacanta Ku Dhigeen Magaaladda Kismaayo, Aqoonsatayna Dowladda Fedraalka Ayaa Waxaa Hogaanka Kooxda Jabhadda Raaskanbooni Si Xoog Ah Ku Hayay  Axmed Islaan Axmed Madoobe, Kaas oo lagu xasuusto xasuuqa shacabka rayidka ah ee kismaayo.

Lama sii saadaalin Karro In Isbatoore farataag uu soo laban doonno kadib nux nux isaga iyo Axmed madoobe ka dhaxeysa. waxaanna Iska muuqata in gudiyadan iyo Dastuurkan been abuurka ah uu sameystay hogaamiyaha maleeshiyada raaskanbooni Axmed Madoobe, Oo Isagu Markale Is dooran Doonno.

La soco faah faahinta.