DHAGEYSO: Kornayl Yuusuf Kaanti Oo Hanjabaad Culus U Jeediyay Ganacsato Diiday Bixinta Canshuurta Iyo Kooxo Ka Ganacsata Daroogada.

0

Gudoomiyaha Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo Col. Yuusuf Maxamed C/qaadir ‘’Kaanti’’ oo bartamaha Magaalada Beled Xaawo ku qabtay Shir Jaraa’id ayaa ka faalooday Xaalada Guud ee Degmada Beled Xaawo , Arimaha Amaanka iyo Xoojinta Midnimada Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo oo uu Sheegay in hada la joogo Waqtigii la is Garabsan lahaa Midnimana La Muujin lahaa .

‘’Saaka waan idin la hadlayaa intii aan kala qaybsanaan karnay oo aan qolo iyo Urur u kala qaybsanaan karnay waan u soo qaybsanaanay waxaan Rabaa inaan ka baxno kana xuubsiibano kala qaybsanaantaas oo aan qaranimo u Xuubsibano Beledkaan waan wada leenahay waan ku dhaqmaynaa Nabadgalyo ayuuna nagu deeqaa Beledkaan nabad galyada yaan laga qaadin’’ ayuu Yiri Col. Kaanti oo boqolaal dad ah kula hadlaayay Fagaaraha Xoriyada Degmada Beled Xaawo .

‘’Nimanka Ganacsatada ah ee dagaal Ogayaasha ah oo keenay inay nagu Xukumaan looraka Bariiska ah diidayna inay bixiyaan Canshuurta , waxaan u sheegayaa waan Canshuuraynaa Cidii diidaysooy soo banbax hadaad tahay nin wanaagsan oo Tabasho qabo tabashadaada soo Sheego’’ ayuu yiri Col. Yusuf Kaanti oo intaas ku daray inay Tilaabo Cad ka qaadayaan Cidii diido bixinta Canshuurta .

Gudoomiye Kaanti ayaa ugu danbayn u hanjabay dadka Amniga qalqalka Galinaayo ee dadka dhacaayo iyo kuwa Muqaadaraadka ka ganacsanaayo wuxuuna Sheegay in Maamulkiisa uu Tilaabo Cad oo Muuqato ka qaadi doono oo uu waliba Xakamayn doono oo uu Gacan bir ah ku qaban doono kuwa Amniga Carqaladaynaayo .

 

Hoos Ka Dhageyso