DHAGEYSO:- Hay’adda UNICEF oo sheegtay in Soomaaliya kaalmaha hore ay kaga jirto dalalka Gudniinka Fircooniga laga sameeyo

0

Hay’adda UNISEF ayaa sheegtay in 95% gabdhaha Soomaalida ah lagu sameeyo Gudniinka qatarta ah ee Fircooniga , loona baahanyahay in arintan la joojiyo.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaaa uu ka mid yahay dalalka kaalmaha hore kaga jira wadamada wali uu ka jiro gudniinka Fircooniga ah ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda UNISEF ay soo saartay.

Hay’adda Caruurta ayaa warbixinteeda ku sheegtay in gabdho da’doodu u dhaxayso 4 sano ilaa 11 sano lagu sameeyo gudniinka Fircooniga ah , iyadoo sidoo kale warbixinta lagu xusay in Wasaarada arimaha haweenka ay horay u balanqaday in ay meel marin doonto sharci mamnuucaya in qaabka fircooniga loo gudo.

“ Waxaa lama huraan ah in la cirib tiro , dhaqanka xun islamarkaana ay la ilaaliyo Xuquuqda banii’adamka gaar ahaan tan  Dumarka lagu xadgudbo ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Hay’adda UNISEF.

Gudniinka Fircooniga ah ayaa weli laga sameeyaa dalalka inta badan ku yaala Qaaradatan Africa iyo Aasiya, waxana Golaha amaankuu uu mamnuucay gudniinkaas sanadii 2012.

Lakiin Hay’adda Cafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegaysa qiyaas gaarayasa 125 Million oo dumar in  lagu sameeyay  gudniinka Fircooniga ah dunida oo dhan , arintaas oo  Qatar cafimaad ku keeni karta Dumarka qaabkan loo guday .