TOOS U DHAGEYSO: Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Doolow.

0

Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka soconaya qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Hoosjooge Fartaag ayaa kamid ah xubnaha Axmed Madoobe kusoo dhaweyn doona Magaalada Doolow sida ay sheegayaan wararka.

Shire Cabdi Maxamed oo kamid ah Xubnaa la dhacsan hab dhaqanka maato dooxa ee Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa sheegay in Axmed Madoobe Safarkiisa gobolka Gedo ee maanta uu yahay mid uu ugu gol leeyahay sidii uu qeybaha kala duwan ee gobolkaas uu ula kulmi lahaa.

Marka uu tago Magaalada Doolow ayuu Axmed Madoobe usii gudbi doonaa dhanka Magaalada Baardheere, halkaas oo ay ciidamada DF iyo Amisom Shabaab kala wareegen dhawaan.

Maamulka DF ee gobolka Gedo ayaa diidan Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe , waxaana sii adkaanayay maalmihii lasoo dhaafay siyaasada labada dhinac.

Isku soo wada duuboo Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay ka shaqeyneyso sidii ay isugu keeni lahayd dhinacyada ku baratamaya gacan ku haynta gobolada Jubbooyinka.

 

Hoos Ka Dhageyso