DHAGEYSO : Ku-simaha Madaxweynaha oo furay shir looga hadlayo dib u eegista dastuurka.

0

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha dastuurka ee Xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlayey doorka ururadda bulshadda Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan geedi socondka dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, waxaana loo qabtay qaar ka mid ah ururadda bulshada rayidka, kuwaa oo kala yimid maamul goboleedyada dalka sida Puntland, Jubba, Koonfur galbeed, Galmudug iyo gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe. ,

Shirka wadatashiga ah oo socon doono mudo labo cisho ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb galay ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka dalka.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dastuurka Xukumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo ugu horeyn ka hadalay shirka ayaa sharaxay sababta shirkaan looga qabtay ururadda bulshada Rayidka Soomaaliyeed doorka ay ka qaadan karaan hananka dib u egista dastuurka.

“Ujeedka waxa uu yahay in dastuurka uu noqdo mid ay Soomaali leedahay, oo rayiga dadweyaha ku dhisan, Xukumadda Soomaaliya waxaa ka go’an in qofkasta oo Soomaaliyeed la dhageysto fikirkiisa meelkasta oo uu joogo, maantana waxaan u fadhinaa in aan dhageysano kii bulshada rayidka” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka.

Guddomiye ku-xigeenka gudiga la soconka dastuurka ee Barlamaanka Xildhibaan Ibraahim Saalax dayfullah iyo Guddomiye ku-xigeenka Guddiga madax banaan ee dib u eegista dastuurka Maxamed Cabdalla ayaa si wada jir ah u sheegay in ay diyaariyeen qorshe lagu hirgelinayo dib u eegista dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Barlamaanka ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo furay shirka looga hadalayey doorka ururadda bulshadda rayidka ay ka qadan karaan dib u eegista dastuurka KMG AH ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in kaalin ku yeeshan ururadda bulshadda rayidka hananka loomarayo dib u eegista Dastuurka.

“Ururrada bulshada waxa ay ka midyihiin shacabka, shacabka oo dhan lama wada gaari karo, sidaas darteed idinku waxaad tihiin dadkii u dhexeeyay shacabka iyo Madaxda, ilaa iyo inta laga gaarayo afti dadweyne, waxaa muhiim ah in la heli tallooyinkii ee ku aadan dib u eegista dastuurka” ayuu yiri Prof Jawaari.

Ku-simaha Madaxwayanaha dalka oo qaar ka mid ah ururadda bulshada rayidka ay waydiinayeen Su’allo badan oo la xariira dib u eegista dastuurka dalka ayaa hoosta ka xariiqay in si dadka Soomaaliyeed u bartaan dastuurkooda dowladda Soomaaliya ay u marin doonto Warbaahinta, gaar ahaan idaaacadaha.

HOOS KA DHAGEYSO